Wararka Soomaalida
Dhibaatadii shacabka Xamar oo ka hadlay Shariif
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan dalka Kenya Magaalada Nairobi ayaa ka tacsiyadeeyey xasuuqii loo gaystay shacabka Magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook ayaa waxaa uu ku bilaabay”Bismillah! INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho caawa. […]
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan dalka Kenya Magaalada Nairobi ayaa ka tacsiyadeeyey xasuuqii loo gaystay shacabka Magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook ayaa waxaa uu ku bilaabay”Bismillah! INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho caawa.
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkaas wuxuushnimada ah aniga oo tacsi u dirayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay walaalihii ku dhintay Allaha u naxariisto, kuwa dhaawacana allaha noo bogsiiyo.
Waxaan ugu baaqayaa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowladdaba in gacmaha la isku qabsado sidii cadowgan looga guulaysan lahaa.
Dhammaanteed waxaa noo wada wanaagsan Soomaaliya oo xasilloon, gacmaha is haysata una midooba cadowga duullaanka ku ah amniga iyo dowladnimada Soomaaliya”
Qaraxyadii Muqdisho ayaa wali waxay khasaarihiisa ka hadlin Madaxda dowladda Soomaaliya.