Wararka Soomaalida

Dhibaato dhawaan ka dhacday Shabeelada hoose oo xal laga gaaray+sawiro

Maleeshiyo beeleed ayaa bishii hore ee janaayo waxay isku dileen deegaano hoose yimaada Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose waxaana dagaalkaas ku dhintay in kabadan 10 ka mid ah maleeshiyadaas. Dagaalka ayaa wuxuu salka ku hayey arrimaha qabiilka ka dib markii dhul daaqsin iyo Ceel biyood la,isku qoomay. Dagaalkan ayaa wuxuu udhaxeeyey labo beelood oo […]

Published

on

Maleeshiyo beeleed ayaa bishii hore ee janaayo waxay isku dileen deegaano hoose yimaada Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose waxaana dagaalkaas ku dhintay in kabadan 10 ka mid ah maleeshiyadaas.

Dagaalka ayaa wuxuu salka ku hayey arrimaha qabiilka ka dib markii dhul daaqsin iyo Ceel biyood la,isku qoomay.

Dagaalkan ayaa wuxuu udhaxeeyey labo beelood oo degta deegaanada lagu dagaalamay ee shabeslada hoose iyadoo beel ka mid ah beelahaas dagaalamay ay isku heeb yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xalinta arrintan ayaa muddo dheer ka dib waxaa ku baxay Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha Shacabka iyo Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

Wadada hadal dheer ka dib ayaa waxaa arrintii colaadda ahayd lagu soo gaba gabeeyey in wixii dhibaato ah ee dhacay intaas ay ku dhamaadaan oo wax kale dhicin la,iscafiyo shacabka labada dhinac iyo dablayda hubaysan si nabadgalyo ah u wada noolaadaan.

Wixii intaas ka dheerna xal ka gaaristeeda ay utaalo Xildhibaanada iyo Odayaasha labada dhinac wax dambe oo dagaal ahna soo laabanin.

Maleeshiyadii xabadda isku qaadatay ee dadka badan iska dishay,iskana dhaawacday ayaa markii dambe meel fagaaro ah la,iskuuga keenay ka dibna isku cafiyey sidaas ayuuna ku soo dhaamaday dagaalkii beelaha ee deegaanada Shabeelada hoose gaar ahaan Wanlaweyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version