Wararka Soomaalida

Dhismaha Qadiimiga ah ee Notre-Dame oo dab qabsaday+sawiro

Dhismahan layiraahdo Notre-Dame ee Dabka ka kacay ayaa wuxuu ku yaalaa Caasimadda Faransiiska ee Magaalada Pris waxaana la dhisay Qarnigii 12-aad wuxuuna dhisan yahay 850 sanadood sida taariikhda ay xusayso. Dabkan ayaa ka kacay qaybta sare ee dhismaha Notre-Dame wuxuuna baabi,iyey taalada dhismahaas uu caanka ku yahay waxayna qaadatay deminta dabkan ka kacay Notre-Dame 15 saacadood […]

Published

on

Dhismahan layiraahdo Notre-Dame ee Dabka ka kacay ayaa wuxuu ku yaalaa Caasimadda Faransiiska ee Magaalada Pris waxaana la dhisay Qarnigii 12-aad wuxuuna dhisan yahay 850 sanadood sida taariikhda ay xusayso.

Dabkan ayaa ka kacay qaybta sare ee dhismaha Notre-Dame wuxuuna baabi,iyey taalada dhismahaas uu caanka ku yahay waxayna qaadatay deminta dabkan ka kacay Notre-Dame 15 saacadood dadaal dheer ka dib waxaa lagu guulaysatay in la demiyo Dabkii qabsaday Notre-Dame.

Dhismaha Notre-Dame ayaa waxaa ku dhax yaala Kaniisad weyn oo ay si weyn u qadariyaan shacabka reer Faransiis iyo kuwa yurubta kale ku nool,xalay markii uu dabkan qabsaday dhismaha Notre-Dame reer Faransiis waxay u,ahayd habeen madow.

Waxaa lagu guulaysatay in laga badbaadiyo dabkaas qalab farabadan oo ku jiray dhismaha gudihiisa intii lagu guda jiray deminta dabka.

Shacabka Faransiiska iyo dadyow kale oo si weyn uyaqaana dhismahaas iyo qiimaha uu,ugu fadhiyo ayaa la,ilmeeyey murugo awgeed ka dib dhismaha caanka ah ee Notre-Dame ee Dabka ka kacay.

Dhismahan Notre-Dame ee qadiimiga ah ee la dhisay Qarnigii 12-aad ayaa waxaa dal xiis ugu yimaada dadbadan oo ku nool Yurub maadaama dhisme facweyn uu yahay waxaana laga helaa oo gudaha  dhismaha Notre-Dame ku jira agab farabadan oo ay isticmaali jireen dadkii noolaa Qarnigii 12-aad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version