Local News

Dhisme maydadka u dhinta COVID 19 lagu keydiyo oo ay Minnesota gadatay

Published

on

Dhisme maydadka u dhinta cudurka COVID 19 lagu keydiyo oo ay madaxda gobolka Minnesota gadeen.

Madaxda gobolka Minnesota ayaa u diyaargaroobaya marxalladda iyo xaalka ay wax noqon doonaan marka dib loo wada furo meel walba oo xanibaada guri jooga ah laga qaado gobolka oo dhan.

Hadddaba madaxda gobolka Minnesota ayaa qiyaasaya in dad aad u tiro baddani ay u dhiman doonaan cudurka Coronavirus (COVID 19), dhimashadaa baddina ay keeni doonto in maydadka dadka dhinta ay gaari doonto kun (1,000) qof todobaadkiiba. Cabsidaas ay qabaan madaxda gobolka Minnesota ayaa keentay in ay iibsadeen dhismihii hore ee Bix Production oo ku yaala magaalada St. Paul, dhismahan oo ay rabaan in ay ku keydiyaan maydadka dadka u dhinta cudurka COVID 19.

Dhismoyaasha iyo goobaha gaarka loo leeyahay ee hadda la dhigo meydadka dadka dhinta ayaa la qiyaasayaa in ayna awood iyo baaxad ay ku maareeyaan meydadka tiraddaban ee la qiyaasayo lahayn. Cabsidaas ayaa haddaba keentay in ay madaxda gobolka Minnesota ee maamulaya howsha cudurka COVID 19 ay lacag ah $ 5.475 Milyan ay ku gataan dhismihii hore ee Bix Production ee ku yaal Wadada ‘L’Orient Avenue’ ee St. Paul si ay ugu kaydiyaan maydadka dadka u dhinta cudurka ‘coronavirus’.

Maalintii Isniinta ee bisha May 18, 2020 ay ahayd ayaa dib loo furay meelo baddan oo kamid ah gobolka Minnesota, waxaana lagu tallo jiraa in si rasmi ah dhamaan meel walba loo furo Kowda bisha June, 2020.

Trending

Exit mobile version