Wararka Soomaalida
dhismo wado oo laga bilaabay Muqdisho+sawiro
Wadada dhismaheeda laga bilaabay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka bilaabanaysaa xarunta wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya ilaa saldhiga degmada Cabdulcasiis ee Muqdisho. Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duq Magaalada Muqdisho Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta wadadaas dhismaheeda dhagax dhigay wuxuuna sheegay in muhiim weyn ugu fadhido shacabka Muqdisho isticmaalka wadada la […]
Wadada dhismaheeda laga bilaabay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka bilaabanaysaa xarunta wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya ilaa saldhiga degmada Cabdulcasiis ee Muqdisho.
Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duq Magaalada Muqdisho Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta wadadaas dhismaheeda dhagax dhigay wuxuuna sheegay in muhiim weyn ugu fadhido shacabka Muqdisho isticmaalka wadada la dhagax dhigay.
Ku simaha Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan dhismaha wadada iyadoo wadadan ay ka mid tahay wadooyinka burbursan.