Wararka Soomaalida

Dhoobo Daareed oo ka afeeftay in loogu yeero Gudoomiyihii hore

Published

on

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo shirjaraa’id ku qabtay degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa marka hore wuxuu ka hadlay xil ka qaadistii ay sheegeen qaar ka mid ah golaha Baarlamanka Puntland inay ku sameeyeen Gudoomiye Dhoobo Daareed wuxuuna shewgay in sifo sharciga baalmarsan loo maray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka Puntland ee xil ka qaadista ahaa.

Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa intaas hadalkiisa ku daray in iyadoo golaha Baarlamanka Puntland fasax ku jiraan seddax cisho ah in talaabo noocaan ah la qaado ay ka tarjumayso ku xad gudubka Dastuurka udegsan Puntland waxaa kaloo uu sheegay xubnaha Baarlamanka ah ee ku dhawaaqay xi ka qaadistiisa in lagu khasbay wuxuuna ku macneeyay talaabadaasi mid dastuurka Puntland baalmaraan asaguna wali yahay Gudoomiyaha saxda ah ee Baarlamanka maamulka Puntland inta laga helayo sifo sharci ah oo xilkiisa ku wayn karo xilka Gudoomiyaha uu haynayo.

Gudoomiye Dhoobo Daareed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni inuu ku tumanayo dastuurka uyaala Puntland ka dib markii Ciidamo uu soo amray weerar ay ku qaadeen xaruntii Baarlamanka Puntland si asaga xoog iyo awood Ciidan xilka looga faramaroojiyo.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed ayaa ugu dambayn ka afeeftay in loogu yeero Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland maadaama xilka looga qaadin hab sharciga waafaqsan,bahda Saxaafadda Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday in afkooda iyo carabkooduba ka ilaaliyaan ereyga ah Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland balse ay ugu yeeraan Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Trending

Exit mobile version