Wararka Soomaalida

Dhuusa-mareeb oo munaasabad soo dhaweyn ah ka dhacday

Published

on

Guddiga farsamo ee maamul usamaynta dhismaha Galmudug oo maanta gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa caawa Magaaladaasi loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qayb galeen bulshada qeebaheeda kala duwan ee ka mid ah dad weynaha Dhuusa-mareeb.

Ka qayb galiyaashii munaasabadaasi oo dhankooda hadalo ka jeediyay munaasabada ayaa soo dhaweeyay Gudigan oo dhawaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya usameeyeen Galmudug si ay usoo dhisaan maamulka Galmudug iyagoo sidoo kale sheegay haddii gudiga ay noqdaan kuwo cadaalad ku shaqaynaya in dhankooda si cadaalad ku jirto ulashaqayn doonaan.

Gudigan oo mid mid hadalo uga jeediyay munaasabadaasi ayaa bulshada u balan qaaday in si caddaalad ah ay ugu shaqeyn doonaan bulshada deegaannada Galmudug ku nool si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo reer galmudug oo dhan ku wada qanacsan yihiin.

Dowladda federaalka Soomaaliya madaxdooda ayaa waxaa ka go,aan ah in maamul hufan oo turxaan baxsan usameeyaan bulshada reer Galmudug ee ku nool gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version