Wararka Soomaalida
Dhuusa-Mareeb oo si weyn loogu soo dhaweeyay James+Sawiro
Degmada Dhuusa-Mareeb ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan waxaana garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-Mareeb ku soo dhaweeyay madaxada fulinta Ahlusuna waljamaaca Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Wafdigan ayaa loo galbiyay xarunta Dhuusa-Mareeb waxaana halkaas ku sugan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya […]

Degmada Dhuusa-Mareeb ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan waxaana garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-Mareeb ku soo dhaweeyay madaxada fulinta Ahlusuna waljamaaca Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Wafdigan ayaa loo galbiyay xarunta Dhuusa-Mareeb waxaana halkaas ku sugan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada Dowladda federaalka Soomaaliya.
Ujeedka ay utageen halkaasi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay ukuur gelida xaalada amaan ee Dhuusa-Mareeb maadaama lagu wado inay ka dhacdo doorasho.