Wararka Soomaalida
Dibadbax ay kor ka ilaalinayeen Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Guriceel
Salaadii Jimcaha ka dib ayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen taageeriyaasha Ururka Ahlusunna ee Degmada Guriceel iyadoo ay ka qeyb galeen dibad-baxaasi qaar ka mid ah Culimada Ururka Ahlusunna.
Isusoo baxaasi ay dhigeen Ahlusunna ayaa wuxuu ahaa mid nabadeed isla markaana ay ku muujinayeen taageerida mowqifka hogaanka Ururka ee ah in Golaha baarlamanka cusub ee Galmudug lagasiiyo 30 Xildhibaan iyagoo Urur ah iyo in dowladda federaalka Soomaaliya fuliso heshiiskii ay wada galeen Ahlusunna ee ku saabsanaa in 30 Xildhibaan Ahlusunna laga siiyo Golaha baarlamanka cusub ee Galmudug.
Xarunta uu ka dhacayay dibadbaxa ayaa waxaa kor kala socday Ciidamada amniga ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo isku soo baxaasi ay ka qeyb galeen intabadan bulshada ku nool degmada Guriceel iyo nawaaxigeeda.
Qaar ka mid ah Culimada Ahlusunna ee dibad-baxa ka qeyb galay oo la hadlay bulshadii iskuugu timid isku soo baxa ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay fuliyaan heshiiskii dhaxmaray madaxda Ahlusunna iyo dowladda isla markaana ay dhowraan wadajirka bulshada reer galmudug.
Dibad-baxaasi ee galabta ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo Ciidamadii kor kala socday dhaqdhaqaaqa dibad-baxayaasha markii uu soo idlaaday soo aaday degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud oo markii horaba laga diray ka dib markii laga warhelay in halkaas uu ka dhacayo isku soo bax ay sameynayaan Ururka Ahlusunna.