Wararka Soomaalida
Dibadbax yadii Muqdisho oo la xaliyey+sawiro
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa maanta qabsaday badi wadooyinka Magaalada Muqdisho ka dib markii darwal motto Bajaaj iyo abtigiis oo mottada la saarnaa lagu dilay Isgoyska howl wadaag ee Magaalada Muqdisho. Banaanbax yada oo ubadnaa dhalinyarada ka xamaasha Motto Bajaajka ayaa dibadbaxooda isku xiray Degmooyinka Howl wadaag,Wardhiigley,Boondheere, Xamar jajab,Waaberi iyo Hodan. Dibadbax yadan ayaa ka cabanayey […]
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa maanta qabsaday badi wadooyinka Magaalada Muqdisho ka dib markii darwal motto Bajaaj iyo abtigiis oo mottada la saarnaa lagu dilay Isgoyska howl wadaag ee Magaalada Muqdisho.
Banaanbax yada oo ubadnaa dhalinyarada ka xamaasha Motto Bajaajka ayaa dibadbaxooda isku xiray Degmooyinka Howl wadaag,Wardhiigley,Boondheere, Xamar jajab,Waaberi iyo Hodan.
Dibadbax yadan ayaa ka cabanayey dilkii saaka wadihii Motto Bajaajka iyo abtigiis loogu geystay Isgoyska Howl wadaag ee Gobolka Banaadir iyo xirnaashaha wadooyinka Magaalada Muqdisho waxayna dalbanayeen in cadaaladda la hor keeno Askarigii Falkaas ka dambeeyey sidoo kalana loo furo wadooyinka xiran ee Muqdisho.
Waxaana dibadbaxyada barbar socday rabshado sababay burburka Muraayadaha Gawaarida iyo goobaha Ganacsiga ee Degmooyinka dibadbaxyada ay ka dhacayeen.
Waxay socdaanba dibadbaxyada ayaa waxaa siwadajir ah ula kulmay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Cabdi Maxamed Americo.
Mas,uuliyiintan ayaa dibadbax yada ugu laabqaboojiyey in la xiray Taliyihii xukumayey Askarigii dilay Mutto Bajaajlihii,Askarigiina lagu howlan yahay sidii loo soo qabanlahaa.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Cabdi Maxamed Americo ayaa ugu tacsiyadeeyey dhalinyarada Motto bajaajleyda ah dilkii saaxiibkood cadaaladana la hor keenayo Askarigii dilka ka dambeeyey.
Dibadbaxii dhalinyarada Motto Bajaajka ayaa halkaas ku hakaday ka dib markii ay ku qanceen hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Cabdi Maxamed Americo.
Dibadxaan maanta ay dhigeen dhalinyarada Motto Bajaajka ayaa waxaa uu yahay kii labaad oo sidaan oo kale ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho ka dib Cabashada dilka wadiyaasha Motto Bajaajka ee Ciidanka iyo xirnaashaha wadooyinka Muqdisho.