Wararka Soomaalida

Dibad baxyo khasaaro dhaliyay oo ka dhacay dalka Jabuuti

Published

on

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhaawacmay rabshado saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda ay Canfartu ka degto magaalada Jabuuti ee dalka Djibouti sida laga soo xigtay saraakiisha mucaaridka ee Canfarta.

Dadweyne ka carysan xarig loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo baraha bulshada wax ku qora kana soo jeeda Qowmiyadda Canfarta ayaa isugu soo baxay dibad-bax rabshado wata iyagoo taayiro ku gubay xaafadda ay Canfartu ka degto magaalada Jabuuti ka dib Ciidanka booliska ayaa xoog u adeegsaday dadkaasi iyadoo dhanka kalana ay dhagaxaan adeegsadeen dibad-baxayaasha.

Baraha bulshada ee Canfarta ayaa aad loogu soo daabacay sawirro muujinaya dad ay ku dhacday rasaas walow aanay dawladda Jabuuti weli ka hadlin arrintan.

Sidoo kale rabshado kale ayaa ka dhacay magaalooyinka Tadjoura iyo Randa ee dalkaasi Jabuuti.

Ninka dhalinyarada ah ee xarigiisa ay ka gadoodeen Canfartu ayaa lagu magacaabaa Kako Houmed Qafar.

Trending

Exit mobile version