Local News
DIGNIIN: KULEYL XAD DHAAF AH OO MAANTA JIRA
MINNEAPOLIS – Waaxda u qaablisan adeega cimilada dalka Mareykanka ayaa soo saartay digniin la xiriirta cimiladda maanta. Waxaa maanta jira kuleyl xad dhaaf ah laga bilaabo 11:00 subaxnimo ilaa 8-da fiidnimo.
Cimiladdan iyo kuleylkan xad dhaafka ah ayaa ka jira gobolo baddan oo dalka Mareykanka ah. Magaalooyinka Mataanaha ah, waa St. Paul iyo Minneapolis iyo weliba magaalooyinka kale ee nawaaxiga la ah ayaa laga yaabaa in heer-kulka cimiladdu maanta gaaro 103 °F, kuleyl ahaan.
Dadweynaha ayaa la farayaa in ay taxaddar dheerad oo la xiriira kuleylka sameeyaan. Sababo la xiriira heerkulka sare ee la filayo maanta ayaa laga digayaa khatarta ay leedahay haddii uuna qofku taxadarin oo uuna ka digtoonaaniin kulaylka gaaraya ilaa 103⁰F ee la filayo in uu socdo ilaa iyo caawa.