Wararka Soomaalida

Dil hayb-sooc ah oo ka dhacay Muqdisho

Published

on

Degmada Xamarweyne ayaa waxaa ka dhacay dil naxdin leh ka dib markii wiil iyo gabar xiriir Shukaansi ama xiriir jaceyl uu ka dhexeeyay oo fadhiyay meel kamid ah xaafadaha degmadaasi uu uyimid wiil la dhashay Gabadha. Wiilka la shashay gabadha ayaa canaan iyo garaacid iskugu daray walaashiis, isaga oo doonayey in uu ka reebo wiilkii ay wada socdeen oo markaas la fadhiyey.

Markii uu wiilka gabadha la dhashay uu bilaabay in uu garaaco walaashiis ayaa waxaa dhacday in uu ka celiyo wiilkii ay wada socdeen Gabadha. Haddaba wiilka ay gabadha wada socdeen oo ay wada sheekaystaan ayaa kamid ah dadka Soomaaliyeed ee sida dhaqan xumada iyo diin kabaxa ah hayb sooco.

Waxaa dhacay in wiilkii la dhashay gabadha uu la soo baxay manqas kadibna caloosha uu ka geliyey wiilkii walaashii Shukaansanayay, wuxuuna gaarsiiyay dhaawac halis ah, dhaawacaas oo sababay in uu dhiig gudaha gudaha ugalay. Waxaana loola cararay wiilka oo dhaawac culus ah mid kamid ah xarumaha Caafimaad ee Magaalada, balse nasiib daro intii loo waday Isbitaalka ayuu geeriyoodey Wiilkii gabadha darteed loo dilay, loona hayb soocay.

Wiilka wax dilay ayaa baxsaday waxaana ku raad jooga Ciidanka Booliska iyada oo maydka wiilka Shukaansiga u dhintay uu yaalo Isbitaalka Kulan ee Degmadda Waaberi halkaas oo ay isugu soo baxeen dad badan oo kamid ah qoyska, qaraabda wiilka dhintay iyo dadweyne kale oo iyagu bulshadda kamid ah oo dilkan foosha xun ee hayb sooca ah ka damqaday.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa waxay dhacday xalay mid lamid ahna waxay dhacday sannadkii hore ee 2018kii kadib Axmed Dowlo wiil uu dhalay gabar sidaan oo kale xiriir jaceyl ka dhaxeeyo dartiisa loo dilay ka dibna maydkiisa Dab la qabadsiiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version