Wararka Soomaalida

Dil naxdinleh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wadada Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ardayda dhigata Jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Ninkan dhalinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Cabdiwaaxid sidoo kale wuxuu ku jiray todobaadka noloshiisa. Marxuum Cabdiwaaxid ayaa la xaqiijiyey in Seddax […]

Published

on

Wadada Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Ardayda dhigata Jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ninkan dhalinyarada ah ee lagu dilay Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay Cabdiwaaxid sidoo kale wuxuu ku jiray todobaadka noloshiisa.

Marxuum Cabdiwaaxid ayaa la xaqiijiyey in Seddax maalin ka hor uu galay Aroos waxaana dilkiisa ka dambeeyey sida la sheegay askari ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka ee wadadaas amaankeeda sugayey.

Dilka shaqsigan ayaa yimid ka dib markii muran iyo gacan qaad uu dhexmaray askariga iyo Marxuum Cabdiwaaxid sidaasna Askariga uu rasaas ugu furay Ardaygan sidoo kale ahaa aroos sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah goobjoogiyaashii Dhacdadan xaadirka u,ahaa.

Marxuum Cabdiwaaxid ayaa Wararka uu helayno Wargayska Tusmotimes wuxuu sheegayaa in Askariga markii hore ay murmeen ka dibna Cabdiwaaxid uu ku dhuftay Dhagax askariga,wixii intaas ka dambeeyey waxaa ka dhax bilowday Marxuumka iyo askariga dagaal gacanta ah.

Askariga oo ahaa booliis ayaa la sheegay in Feer dhulka lagula tuuray ka dibna uu cararay Cabdiwaaxid maadaama uu Feer dhulka kula simay askari,sidaasna dhabarka looga toogtay marxuum Cabdiwaaxid.

Arrintan ayaa waxay imaanaysaa ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xirnaayeen wadooyinka Magaalada Muqdisho wafdigii Ismaaciil Cumar Geelle ee yimid Muqdisho awgeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version