Wararka Soomaalida

Dilkii iyo kufsigii Caasho oo afar ruux loo soo qabtay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir oo ka hadlay dadka loo soo xiray dilkii iyo kufsigii la,iskuuga daray gabadhii yareed ee Caasho ilyaas Aadan ayaa sheegay in afar ruux ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amniga Gaalkacyo ka dib baaritaano ay ku sameeyeen xaafadaha Magaaladaas gaar ahaan dhinaca Puntlan. Gudoomiyaha ayaa […]

Published

on

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir oo ka hadlay dadka loo soo xiray dilkii iyo kufsigii la,iskuuga daray gabadhii yareed ee Caasho ilyaas Aadan ayaa sheegay in afar ruux ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amniga Gaalkacyo ka dib baaritaano ay ku sameeyeen xaafadaha Magaaladaas gaar ahaan dhinaca Puntlan.

Gudoomiyaha ayaa intaas warkiisa raaciyey in afarta qof ay yihiin rag si weyn loogu tuhunsan yahay in falkaas ku lug layihiinn sida ugu dhaqsiyaha badana cadaaladda la marin doono.

“Baaritaan ayaa hadda ku socda raggan Haddii ay ku caddaato afartooduba waa dil toogasho ah” ayuu yiri gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir.

Gudoomiyaha wuu sii hadlay Wuxuuna intaas ku daray in sharciga go’aan ka gaari doono dhacdadan isla markaana,aysan aqbali doonin odayaal dhaqameed in ay soo farageliyaan.

“Waxaan u maleynayaa nin xishoonaya ama Alle ka baqaya inuusan oraneyn ninkii fara xumeeyey haddana nafteedii dhafiyey ee dilay gabadhaa yar ee aan Qaan gaarin yaan la dilin waxaasu wax xageyagu ka soconayo ma,ahan”ayuu raaciyey hadalkiisa Guddoomiyaha gobolka Mudug waxaa kaloo uu sheegay in ay ku raad joogaan rag kale oo falkan lagu tuhunsan yahay balse fakaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version