Wararka Soomaalida

Diyaarad gargaar sida oo soo gaartay Muqdisho

Published

on

Diyaarad ay soo dirtay hay’adda qaxootiga addunka ee QM isla markaana siday gurmad loogu tala galay dadkii ay sameyeen fatahadaha Wabiyada Jubba iyo shabeele ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xiligii diyaaradaas ay soo caga dhiganaysay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa garoonka ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya sida wasiir howlaha guud wasiir ku xigeenka wasaraadda gargaarka wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale waxayna Guddoomeen gargaarkii diyaarada ee QM usoo dhiibtay qoysaska Soomaaliyeed ee dhibiniyaasha ah.

Gudigii la wareegay gargaarkaas oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheefay in si caddaalad ah loogu qeebin doono gargaarkan qoysaska dhibaataysan ee ku kla nool Gobolada Shabeelooyinka,Gedo iyo Hiiraan.

Gargaarka QM usoo dhiibtay qoysaska Soomaliyeed ayaa waxay ka kooban yihiin raashiin,Dawooyin iyo dhar sida Marakaneecooyin iyo Bustiyaal sida ay sheegeen gudugii lagu wareejiyay gargaarka.

Trending

Exit mobile version