Wararka Soomaalida
Diyaarada Kenya Airways oo duulimaad toos ah ka bilowday Aadan Cadde
Diyaarada Kenya Airways ayaa maanta oo jimco ah duulimaad toos ah ka bilowday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka dib kulankii todobaadkii la soo dhaafay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
Kulankaas oo labada Madaxweyne ay ku kala saxiixdeen in dib loo soo celiyo cilaaqaadkii ka dhaxeeyay labada dowladood iyo sidoo kale duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Joma Kenyatta in dib loo soo celiyo iyadoo aan lamarin garoonka Wajeer sida horayba udhicijirtay.
Haddaba iyadoo Kenya fulinaysa ballanqaadkii labada Madaxweyne ayaa diyaarada Kenya Airways maanta waxay rakaab ka qaaday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyadoo toos ugu dejisay garoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed war maanta ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo lafulinayo heshiiskii labada dowladood dhaxmaray in maanta oo jimco ah diyaarada Kenya Airways rakaab ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho toosna ugu dejisay garoonka Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.
Duulimaadkan hadda dib ubilowday ee diyaarada Kenya Airways ayaa dhowr bil ka hor waxaa joojisay dowladda Kenya oo xiligaas ku macnaysay inay kaga gaashaamanayso fafal argagixiso oo laga baqay in dalkeeda ka dhacaan balse waxaa la ogaaday in ujeedkaas uu ahaa mid Kenya ay doonaysay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadiso Kiiska badda balse usocon waayay.