Wararka Soomaalida
Diyaaradaha Maraykanka oo dad ku dilay Kuunyo Barow+Sawiro
Deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka nooca duuliyaha lahayn waxaana halkaas ka dhashay khasaaro nafeed. War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarado ay ku duqeeyeen deegaanka Kuunyo Barow ka dibna ay ku dileen xubno Al shabaab […]

Deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa dhawaan waxaa ka dhacay duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka nooca duuliyaha lahayn waxaana halkaas ka dhashay khasaaro nafeed.
War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarado ay ku duqeeyeen deegaanka Kuunyo Barow ka dibna ay ku dileen xubno Al shabaab ah kuwa kalana ay ku dhaawaceen weeraradaas diyaaradeed.
Taliska AFRICOM warkan maanta ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas Kuunyo Barow ay ka fuliyeen 25 bishan Juun xili habeen ah.
Saraakiisha Maraykanka ayaa intaas raaciyay in baaritaano ku hayaan haddii ay jiraan dad rayid ah oo duqeyntaas ku dhintay ama ku dhaawacmay haddii baaritaankooda ku soo ogaadaan inay jiraan dad rayid ah oo ku dhintay weerarkaas ama ku dhaawacmay sida ugu dhaw war uga soo saari doonaan.
Dhinaca kale Ururka Al shabaab oo war ka soo saaray duqeynta Maraykanka ee deegaanka Kuunyo Barow ayaa beeniyay in duqeynta deegaankaas looga dilay Saraakiil iyo Ciidan 25-ka bishan weerarkii xagga cirka ahaa ee ka dhacay deegaanka balse ay jiraan dad rayid ah oo duqeynta Maraykanka ku dhintay sida ay sheegeen Al shabaab.
Al shabaab ayaa shaaciyay magaca shaqsi ku dhintay duqeynta Kuunyo Barow waxayna ku sheegeen qofkaas inuu ahaa ganacsade caan ka ahaa deegaanka kaasoo lagu magacaabi jiray Abow Cali Waardiyow.
Marxuum Abow Cali Waardiyow ayaa Al shabaab waxay sidoo kale beeniyeen in iyaga uu ka mid ahaa balse uu ahaa ganacsade siweyn loogu wada yaqaanay deegaanka Kuunyo Barow islamarkaana halkaas ay ujoogeen xoolo iyo sidoo kale uu ku lahaa Beero kuna shaqeysan jiray gaari uu isaga leeyahay xiligii duqeynta Maraykanka la beegsanayeena ku socdaalayay gaarigiisa gaarka ah.
Geesta kale Aas loo sameeyay marxuumkaas ganacsadaha ahaa ee duqeynta Maraykanka ku dhintay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah ehelkiisa waxayna sheegeen inuusan ka mid ahayn Alshabaab balse uu ahaa qof shacab ah oo beeraley ah.
Marxuumka ayaa xiligii gaarigiisa la duqeynayay ku sii jeeday degaanka Arbacow sida ay sheegeen ehelkiisa iyadoo duqeyntan ka dhacday meel 18-KM u jirta deegaanka uu ku dhintay ee Kuunyo Barow.