Wararka Soomaalida
Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ku dilay Xubno Al shabaab ah
War caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka qeebtooda Africa ee Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen Xubno sare oo Albshabaab katirsan. Duqeyntan oo ka dhacaday Gobolka Baay gaar ahaan deegaan ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa Warkan ka soo baxay Africom lagu sheegay in lagu burburiyey xarun Al shabaab ay ka […]
War caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka qeebtooda Africa ee Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen Xubno sare oo Albshabaab katirsan.
Duqeyntan oo ka dhacaday Gobolka Baay gaar ahaan deegaan ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa Warkan ka soo baxay Africom lagu sheegay in lagu burburiyey xarun Al shabaab ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo weerarada.
Deegaanka duqeynta Diyaaradeed ay ka fuliyeen Maraykanka isla markaana ay ku dileen Xubno Al shabaabka ka tirsan ayaa waxaa lagu magacaabaa Yaaq-Bariweyne.
Warka kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday shalay oo talaado ah lagu dilay 6-kamid ah Saraakiisha Al Shabaab sidoo kale lagu gubay Gawaari ay lahaayeen Xubnaha duqeynta lagu dilay.
Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax dhibaato ah kasoo gaaray dad shacab ah waxa ayna sheegeen in Duqeyntaas kaliya dhibaato gaarsiisay Maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku sugnaa goobta la duqeeyay.
Duqeyntan Mareykanka ka geesteen gobolka Baay ayaa noqoneysa duqeyntii shanaad ee sanadka cusub ka fuliyaan Soomaaliya waxayna dowlada Maraykanka sheegtay in ay sii wadayaan Duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab