Wararka Soomaalida
Diyaaradaha Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey Jubbada dhexe
Diyaarad ay leeyihiin Milatariga Mareykanka ayaa dhawaan weerar ku qaaday saldhig ay ku leeyihiin Al-Shabaab Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya sida uu sheegay Taliska Africom. weerarkan ayaa wuxuu dhacay April 9-4-2019ka wuxuuna ka dhacay deegaan u dhow Degmada Jilib Gobolka Jubbada Dhexe oo xarun weyn u, ah Al-Shabaab waxaana la sheegay in Sarkaal sare oo […]
Diyaarad ay leeyihiin Milatariga Mareykanka ayaa dhawaan weerar ku qaaday saldhig ay ku leeyihiin Al-Shabaab Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya sida uu sheegay Taliska Africom.
weerarkan ayaa wuxuu dhacay April 9-4-2019ka wuxuuna ka dhacay deegaan u dhow Degmada Jilib Gobolka Jubbada Dhexe oo xarun weyn u, ah Al-Shabaab waxaana la sheegay in Sarkaal sare oo kooxdaas ka mid ah iyo Ciidankiisa halkaas lagu dilay.
War-saxaafeed caawa ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas ee xagga Cirka ah lagu dilay sarkaalka Al shabaabka ah iyo Ciidankii la joogay xili sida la sheegay ay ku sugnaayeen xerada.
Warkan ka soo baxay Africom lagu masheegin magaca shaqsiga Sarkaalka Al shabaabka ah ee duqeynta ay ku dileen,warkan waxaa kaloo lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen Maraykanka,AMISOM,Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Duqeyntaas ayaa waxaa lagu gaar yeelay xarunta Al shabaab manajirin wax rayid ah ama shacab ah oo wax yeelo ka soo gaartay sida lagu cadeeyey war-saxaafadeeska Africom ka soo baxay.
War-saxaafadeedka ayaa imaanaya iyadoo maanta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre uu kulan kula qaatay Magaalada Washington ee dalka Maraykanka Taliyaha amniga Qaranka Maraykanka kulmay Jannaraal John Bolton.