Wararka Soomaalida

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno Daacish ah

Published

on

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maraykanka ayaa galabta duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Bari ee maamulka Puntland sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Taliska maraykanka qaybta Africom ee Soomaaliya ka howlgala.

Warbixinta ka soo baxaday Africom ayaa waxaa lagu sheegay in lagu bartimaamsaday xarun ay degan yihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalanta 25 bishan October,kuna taala dhulka buuralayda ah ee Galgala ee Gobolka bari ka tirsan.

Deegaanka duqeyntan ka dhacday galabta ayaa waxaa lagu magacaabaa Cameyra wuxuuna hoostaga degmada Iskushuban ee gobolka Bari waana deegaan buuralay ah dhirtana aad ugu badan tahay sida dadka yaqaana ay sheegeen.

Duqeyntaasi ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dhuftay xero ay degan yihiin Daacishta ka dib caawin iyo wada shaqayn fiican ay ka heleen Ciidamada amniga Soomaaliya sida lagu xusay warbixinta Taliska ka soo baxday sidoo kale in gantaalada lagu hubsaday in gudaha xerada ay ku dhacaan waxaa la sheegay in kaalin wanaagsan ay ka qaateen dadka deegaanka degan sida uu sheegay Taliye ka tirsan Africom.

Gantaalada lagu dhuftay xerada Daacish ay ku leedahay deegaanka buuralayda ah ee lagu magacaabo Cameyra ee galabta la duqeeyay ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ka mid ah kooxda Daacish tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Taliska Maraykanka ee Africom warkan ka soo baxay ayaa waxaa looga hadlay dhinaca shacabka ku nool deegaanka galabta Diyaaradaha Maraykanka ay ku duqeeyeen Kooxda Daacish waxaana lagu sheegay warbixintooda in qof shacab ah ku dhiman dhaawacna ka soo gaarin duqeyntaasi.

Saraakiisha Africom ayaa sheegay inay laba jibaaraan duqeymaha ay ku bartilmaamay-sanayaan kooxaha Daacish iyo Al shabaab iyagoo kala kaashanaya Saraakiisha Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,AMISOM iyo maamul goboleedyada hoosta Dowladda Soomaaliya sida lagu xusay Warbixintan ka soo baxday Africom.

ilaa hadda majiro wax ka baxsan warbixinta Maraykanka ee ku aadan duqeynta ay ku dileen xubno ka tirsan Daacish iyadoo dhinaca kale weli wax war ah ka soo bixin Kooxda Daacish.

Trending

Exit mobile version