Local News

Donald trump oo ku dhawaaqay dilka Albaqdaadi

Published

on

Ka dib howlgal qorshaysan oo habeen hore ka dhacay dalka syria gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa waxaa lagu dilay hogaamiyihii kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ama ISIS aduunka looga yaqaano Abuu Bakar Albaqdaadi ka dib markii Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee dalka Maraykanka ay ku guulaysteen inay dilaan hogaamiyahaasi ayaa waxaa ka hadlay dilkaasi Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump wuxuuna sheegay in maanta aduunka ay ubaahinayaan war weyn oo caalamka oo dhan ku farxayaan kaas oo ah in ay ku guulaysteen dilka hogaamiyihii mayalka adkaa ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al baqdaadi.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in dilka Abuu Bakar Al baqdaadi dhab yahay oo la hubo ka dib markii qayb ka mid ah jirka hogaamiyahaasi dheecaan ay ka qaadeen ku ogaadeen in Abuu Bakar Al baqdaadi si dhab ah udileen oo warkan xaqiiq yahay sidoo kale Donald Trump wuxuu ku faanay in sidaan oo kale horay udileen hogaamiyihii Al qaacida Usaama Billaadan iyo hogaamiyaal kale.

Donald Trump ayaa waxaa kaloo uu sheegay in si sahal ah lagu dilin hogaamiyahan balse markii si loo eego aad ufududayd dilka hogaamiyahan ka dib markii Ciidamadooda oo isticmaalaya xeeladoodo adag ay ka daateen diyaaradihii waday ka dibna toos u abaaray hoyga uu deganaa hogaamiyaha wax yar ka dibna ku bilaabay rasaas iyo xeelado kale oo Ciidamadooda gaar u tahay sida uu sheegay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Weerarkaas ayaa wuxuu sheegay Donald Trump inuu ku dhaawacmay Abuu Bakar Al baqdaadi ka dibna uu ku cararay god weyn oo horay udiyaarsaday ka dibna uu qarxiyay Jaakadiisa oo qaraxa ugu xirnaa waxaa kaloo intaas dheer oo uu sheegay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump in markii godka uu galayay gacmaha uu ku haystay laba caruur ah kuwaas oo la dhintay hogaamiyihii Daacish Abuu Bakar Al baqdaadi ka dibna dheecaan ay ka soo qaadeen Ciidamadooda baaritaan lagu sameeyay lagu xaqiijiyay in Ciidamada Maraykanka ay ku guulaysteen dilka hogaamiyihii mayalka adkaa ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al baqdaadi.

Hogaamiyahan hadda la xaqiijiyay dilkiisa Abuu Bakar Al baqdaadi ayaa magaciisa dhabta ah wuxuu yahay  Ibraahim Cawad Ibraahim Al-Badri wuxuuna ku dhashay magaalada Samaara ee dalka Ciraaq oo ku taala bartamaha dalkaasi wuxuuna dhashay sanadka markuu ahaa 1971-dii wuxuuna ka dhashay qoy carab ah oo ka soo jeeda dalka Ciraaq sidoo kale qoyskiisa waa muslim Suni ah.

Xilkan kooxda Daacish ayaa wuxuu la warewgay Sanadkii 2010-kii ka dib markii ciidamada Maraykanka ay dileen hoggaamiyihii kooxdaasi Abuu Cumar Al-Baqdaadi iyo ku xigeenkiisii Abuu Ayuub Al-Masri.

Intii Maraykanka ay doo doonayeen Abuu Bakar Al baqdaadi ayaa waxay madaxiisa duldhigeen 25 Milyan oo Dollar cidii soo disha ama soo sheegta meesha dhabta ah ee uu ku sugan yahay Abuu Bakar Al baqdaadi in qarashkaas la siinayo balse hadda Ciidamadooda ay ku guulaysteen inay dilaan.

Ugu dambayn Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in guriga uu ka deganaa waqooyiga Syria Abuu Bakar Al baqdaadi ku arkeen Haween iyo dhowr caruur ah ayna ku wareejiyeen shaqsi amaan ah sida uu sheegay Donald Trump.

Trending

Exit mobile version