Wararka Soomaalida

Doon ay la socdeen Ciidamo Soomaali ah oo lagu la yahay xeebta marka

Published

on

Wararka naga soo gaaraya xeebta magaalada Marka ee xarunta shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Doon siday hub iyo Ciidan caawa ku qalibantay badda gudaheeda ka dib cilad Doontaasi ku timid sida wararka qaar ay tibaaxayaan.

Hubkan ay wadeen Ciidanka saarnaa Doonta ayaa waxaa lagu soo waramayaa in loo waday guuto ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka ee degan shabeelaha hoose sidoo kale loo diyaarinayo inay weerar ku qaadaan kooxda Al shabaab.

Labo askari ayaa nool iyo geeri lagu la’ yahay xeebta Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ka dib markii Doon ay la socdeen cilid ku timid sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qayb tooda gobolka shabeelaha hoose ka howlgala.

Warka ayaa intaas ku daraya in la soo badbaadiyay Taliyihii Ururka ciidanka 14 Oktoobar ee degmada Marka Xidigle Cismaan Muuse iyo 12 askari oo la socday Doonta degtay kadib markii Doontii ay saarnaayeen caawa 9:00 fiidnimo ay kula rogmatay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta magaalada Marka ee Gobolka Sh/ hoose markii ay ku beegnaayeen deegaan la yiraahdo Cadcadeey.

Doontan ayaa waxaa la sheegay in caawa maqribkii Ciidan iyo huba ka qaaday magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose sida aan wararka ku helnay ay sheegayaan.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu soo badbaaday naaquudihii Doonta iyadoo labada askari ee maqan magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Muxudiin iyo Faynuus askari magaciisa lagu soo koobay waxaa kaloo intaas dheer in 18 qori oo AK 47 ah iyo 2 qoriga PKM iyo Doontiiba la,layahay balse weli ay raadinayaan Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan shabeelaha hoose.

Trending

Exit mobile version