Wararka Soomaalida
Doon urarnayd Ganacsato Soomaali ah oo ku degtay badweynta India
Doontan ayaa waxay badeecado kala duwan ka soo qaaday dekad ku taala dalka Cummaan waxayna ku wajahnayd dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland sida aan ku helnay wararka.
Doontan siday badeecad noocyo kala duwan ah una rarnayd Ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo waramayaa in shalay galab ku qalibantay meel udhow dekadda Salala ee dalka Cummaan ka dib markii cilad ku timid Matoorka Doontaasi sida la xaqiijiyay.
Doonidan ku degtay badweynta India dhexdeeda goor gabaldhicii shalay galab ah badeeco kala duwana uwaday Ganacsato Soomaali ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdikariim sida la xaqiijiyay iyadoo hanti farabadana ku baabaday.
Shaqaalihii la socday Doontaasi qalibantay oo gaaraya 10 ruux ayaa waxaa lagu soo waramayaa in loo fidiyay gurmad deg deg ah dhamaana qatartaasi laga badbaadiyay hase yeeshee waxaa lagu waayay hanti badan oo Daanta siday.
Haddaba shilkaasi Doonta ah ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Ganacsatadii Soomaaliyeed ee Doonta urarnayd waxayna Saxaafadda usheegeen in Doontan waday ku dhowaad Kun tan oo badeeco nooc walba leh iskuuga jirta,gabi ahaana ku baabaday hantidaasi Doonta degtay iyadoo iskuuga jirta hantidaas bagaash iyo Raashiin waxayna ku qiimeeyeen hantidaasi lacag gaaraysa Malaayiin doolar.
Waxay intaa ku dareen Ganacsatadan in Doonta si lama filaan ah ku degtay wax yar ka dib markii ay ka soo shareecatay deked ku taala dalka Cummaan sababta keentay inay degto Doonta ma,aysan faafaahin Ganacsatada iyadoo dhacdadan aysan aheyn tii ugu horeysay ee Doon u rarneyd Ganacsato Soomaali ah ku degto Badweynta India hanti farabadana lagu waayo.