Wararka Soomaalida

Dooni ay saarnaayeen mas’uuliyiin oo wabiga Shabeele kula rogmatay

Published

on

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka waxaa ka baxay mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda xilal ka haya maamulka Hirshabelle iyagoo watay Doon kuna sii socday deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiinta ayaa markii xoogaa saarnaayeen Doontii waxay kula qalibintay inta udhaxaysa Magaalada Beledweyne iyo deegaanka Ceeljaale waxaa shilkaas ku geeriyootay lataliyii Madaxweynaha maamulka Hirshabelle dhinaca Haweenka Dahaba Axmed Xasan oo meydkeeda laga soo qaaday Wabiga dhaxdiisa iyadoo sabaynaysa.


Doonidaasi ayaa waxaa saarnaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax iyo duqa Magaalada Beledweyne Safiyo iyo 25 qof oo kale waxaa nolosha lagu soo badbaadiyay Cabdifataax Xasan Afrax iyo Safiyo Xasan Sheekh Cali oo geed wabiga ku dhaxyaala korkiisa saarnaa.

Musiibadaasi ayaa waxaa lagu layahay qaar ka mid ah dadkii doontaasi saarnaa oo nolol iyo geeri lala yahay.

Trending

Exit mobile version