Wararka Soomaalida
Doonyo hub sida oo ku xirtay dekadda Hobyo
Wararka aan ka helayno dekadda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in galabta laba Doon oo hub farabadan sida ay ku xirteen dekadaasi ka dibna looga sii qaaday gawaarida kuwa xamuulka qaada ah sida ay tibaaxayaan wararka Hobyo nagasoo gaaraya.
Doonyahan labada ah ayaa wararku waxay sheegayaan in hubka ay ka qaadeen magaalada Muqdisho iyadoo weliba Ciidan uu la socday Doonyahaasi ku xirtay dekadda degmada Hobyo waxaana hubkaas loo wadaa Ciidanka Xoogga dalka qayb tooda 21-aad ee ka howl-gasha deegaanada maamulka Galmudug sida aan xogtan aanhelnay ay sheegayso.
Saanadan Miletari ee doonyahan ku xirtay dekadda Hobyo ay sideen ayaa waxaa la sheegayaa in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay bixiyeen si loogu qalabeeyo Ciidanka kaga sugan Galmudug.
Sababta saanaddan Ciidan loogu dhiibay guutada 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu fasiray in kooxda Al shabaab ay ka xoreeyaan deegaanada ay ka maamulaan gobolada Mudug iyo Galgaduud.