Wararka Soomaalida
Doorashada Madaxweynaha Puntland oo toos ubilaabatay
Xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa toos uga bilaabatay doorashada Madaxweynaha Shanaad ee Maamulka Puntland. Waxaa kulanka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku sugan qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah Baarlamanka labadiisa Aqal ee Dowladda federaalka Soomaaliya. Kulankan waxaa iyana xaadir wada ah Golaha Baarlamanka Puntland ee […]
Xarunta Baarlamanka Puntland ayaa waxaa toos uga bilaabatay doorashada Madaxweynaha Shanaad ee Maamulka Puntland.
Waxaa kulanka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ku sugan qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah Baarlamanka labadiisa Aqal ee Dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa iyana xaadir wada ah Golaha Baarlamanka Puntland ee ka kooban 66 Xildhibaan waxaa toos ubilaan doonta ucodaynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ay dooranayaan Golaha Baarlamanka Puntland.
Waxaa sidoo kale xaadir ah 21 Musharax Madaxweyne utaagan ee Puntland iyo 11 Madaxweyne ku xigeenka ee Maamulkaas.
Waxaa Musharaxiinta ka kooban 32 Musharax laga saxiixay mid waliba Warqad balanqaad ah oo ku saabsan in uu ogolaanayo Musharax kastaahi natiijada ka soo baxda Doorashada.