Wararka Soomaalida
Dowlada Mareykanka oo qiratay in dad rayid ah ay ku dileen Soomaaliya
Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay qiratay in duqeyn ay ku dishay labo qof oo rayidka ah oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ka dib duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018kii. Ka dib war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka ee qaabilsan Geeska […]
Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay qiratay in duqeyn ay ku dishay labo qof oo rayidka ah oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ka dib duqeyn ay ka fuliyeen deegaano ka mid ah Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018kii.
Ka dib war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka ee qaabilsan Geeska Africa ee la yiraahdo Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacday sanadkii hore lagana fuliyey Gobolka Galgaduud si aan ulakac ahayn ay ugu dhinteen gantaalada diyaaradaha Maraykanka oo Al shabaab bartilmaameedka uu ahaa ayna ka xun yihiin in dad rayid ah ay ku dhintaan weerarada ay ku bartilmaam meysanayaan Kooxda Al shabaab.
Warkan ka soo baxay Maraykanka ayaa sidoo kale lagu beeniyey war dhawaan ay soo saartay hay’adda Amnesty International oo lagu sheegay in duqeymihii sanadkii hore Maraykanka uu ka fuliyey Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud ay ku dhinteen 14 qof oo shacab ah weerarkaas oo ahaa Shan weerar balse 2 qof oo shacab ah ay ku dhinteen weerarkaas ee xagga Cirka ahaa hay’addana ay iska saxdo warbixinteeda dibna ay ugu laabato baaritaanka arrintan.
“anagu aadbaan uga taxadirnaa duqaymaha aan ka fulino deegaanada Soomaaliya shacabka waa ka fekirnaa ka hor inta aanan fulinin weerarada aan ku qaadayno Al shabaab waa la soo sahmiyaa ka dib waxaa ka shiraya Saraakiisha waxaa la,isla qaabeeyaa sida ku haboon ee shacabkna wax yeelo ugu soo gaareynin xubnaha ujeedkeena uu yahay ee Al shabaabna lagu dilikaro sanadkii 2017dii duqeymihii aan ka fulinay Galgaduud wax dhib ah kama soo gaarin shacabka laakiin sanadkii hore ee 2018kii 1 April 2018kii labo qof ayaa si qalad ah ku dhintay sida aan ku cadeynay War-saxafaadeedkii aan soo saarnay,Labada qof ee dhintay mid waa qof dumar ah midka kalana waa Caruur duqeymihii sanadkii hore ee ka gaysanay Galgaduud waxay gaarayaan 28 Diyaaradood oo duqeeyey xarumo Al shabaab ah isku gayn guud ahaan 47 duqeyn ayaan ka fulinay Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka Maraykanka ka soo baxay.
Duqeyntan uu ka jawaabayo mareykanka ayaa waxay ka dhacday degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya sanadkii hore ee 2018kii.
Gen.Thomas D.Waldhauser oo ah Taliyaha Maraykanka ee qaabilsan dhinaca Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aad ay ugu xun yihiin in dad rayid ah gantaalada ay ku ku dilayaan Al shabaab ay ku dhintaan dad shacab ah.
Warkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in duqaymaha ay ku bartilmaam meysanayaan Al shabaab dhawaan ay dib bilaabi doonaan.