Wararka Soomaalida
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis cusub gaaray+sawiro
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis muhiim u,ah labada dowladoodba kasoo ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta heshiis cusub la saxiixday dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu kuna saabsan isdhaafsi dhul […]
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis muhiim u,ah labada dowladoodba kasoo ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta heshiis cusub la saxiixday dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu kuna saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed oo labada dal ay ku kala yeelanayaan Magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho.
Heshiiskan ayaa macnihiisa uu yahay in labada dhul ee ku kala yaala Ankara iyo Muqdisho uu dalwalba midka kale kiisa yeekanayo,arrintan waxay tahay mid caadi ka,ah inta badan dalalka caalamka oo sidaan sameeya.
Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh.
dalka Turkiga ayaa wuxuu yahay dalka ugu weyn ee taageerada ufidiya Soomaaliya wuxuun dalka Soomaaliya uu ka fuliyey mashaariic waa weyn,sida dib uhabeynta garoomada diyaaradaha, isbitaalo, dhismaha waddooyinka iyo xarumo waxbarasho.