Wararka Soomaalida
Dowladda Britain oo ka hadashay xaalada Anthony Cox ee ku xiran Muqdisho
War maanta ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa waxaa lagu sheegay in ay la xiriireen Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ka dibna ay kala hadleen arrimaha muwaadinkooda ee ku xiran Magaalada Muqdisho xabsi ku yaalla. Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda UK ayaa intaas Warkooda ku dartay in ay ku Howlaha yihiin badbaadinta […]
War maanta ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Britain ayaa waxaa lagu sheegay in ay la xiriireen Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ka dibna ay kala hadleen arrimaha muwaadinkooda ee ku xiran Magaalada Muqdisho xabsi ku yaalla.
Waaxda arrimaha dibadda ee dowladda UK ayaa intaas Warkooda ku dartay in ay ku Howlaha yihiin badbaadinta Anthony Cox xaaladiisa Caafimaadna ay wanaagsan tahay,Faafaahin intaas ka dheeri ah mabixinin waaxdan arrimaha dibadda ee dowladda Britain.
Anthony Cox ayaa waxaa la helay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Sawiradiisa iyo waxa uu ahaanjiray waxaana la sheegay in Anthony Cox horay u soo noqday Askari balse hadda uu ahaa shaqsi ka shaqaynayey arrimo la xiriira sirdoonka,Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka.
Ninkan ajanabig ah ayaa dhowaan waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xili uu doonayey in Diyaaradda Ethiopian Airlines uu la raaco Bamka Dadka ilamada ka Keena ama Bamba Qaaca loo yaqaano.
Sidoo kale Anthony Cox Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa sheegtay inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo,laba toddobaad ka hor inta aan la xirin.
Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France sida warbixinada qaar ay tibaaxayaan asaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Amanda.
Anthony Cox waxaa bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia.
Anthony Cox ee ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa dhowaan ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen Koox ay maxaabiis isla yihiin oo ku eedeysan Daacish iyo Al shabaab iyagoo Kooxdaas gaarsiiyey dhaac Saraakiisha Asluubta ay sheegeen in uu yahay mid sahlan ama fudud,haddase waxaa lagu hayaa qol gaar ah oo ay si gaar ah u ilaalinayaan Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida