Wararka Soomaalida
Dowladda dhexe iyo Maamulka Soomaaliland oo kulan uga furmaya Nairobi
Wejiga koowaad ee wada-hadalada Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa la sheegayaa in maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya wadahadalo uga furmaya sida uu xogta ku helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho. Ergo kala tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa si hor dhaca ah waxay kulan ku yeelanayaan Magaalada Nairobi iyadoo labada […]
Wejiga koowaad ee wada-hadalada Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa la sheegayaa in maanta Magaalada Nairobi ee dalka Kenya wadahadalo uga furmaya sida uu xogta ku helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho.
Ergo kala tirsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa si hor dhaca ah waxay kulan ku yeelanayaan Magaalada Nairobi iyadoo labada dhinac gogol xaar uyihiin kulanka iyo wadahadalada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Macadda meesha rasmiga ah ee Farmaajo iyo Biixi ku kulmi doonaan laakiin hadda ayaa waxaa si gogol xaar ah uwada kulmaya labada Ergo ee dowladda dhexe iyo Maamulka Soomaaliland iyadoo shirka Nairobi dhinaca dowladda Federalka Soomaaliya uu uga qaybgelayo shirkaas Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya halka dhanka Maamulka Soomaaliland uu ugu qaybgalayo wasiirka arrimaha dibbeda Maamulka Soomaaliland iyo xubno kale.