Wararka Soomaalida

Dowladda Ethoipia oo jawaab ka bixisay eedii Abiy Axmed loo jeediyay

Published

on

Ka dib markii maanta uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya eedayn loogu jeediyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo ku saabsan inuu kaalin mugleh ku leeyahay siyaasadaha is diidan ee ka jira wadamada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa eedaas jawaab deg deg ah ka bixiyay Safiirka Ethoipia ufadhiya dalka Kenya ee lagu magacaabo Mels Alem isagoo beeniyay eedaynta loo jeediyay Ra’iisul wasaarihiisa inay tahay mid aan waxba ka jirin oo Abiy Axmed laga been sheegay waxbana ka jirin warkaas uu baahiyay Wargayska Daily Nation.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in garab uu ku siiyay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya burburinta maamul goboleedyada Soomaaliya iyo arimaha khilaafka ah ee dowladda dhexe iyo maamulada Soomaaliya ka dhax taagan.

Mels Alem Safiirka Ethoipia ee dalka Kenya ufadhiya ayaa haddaba warkaasi wuxuu ku tilmaamay mid runta ka fog isla markaana ah mid been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcada Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ka dib wareysi uu siiyay Wargayska Daily Nation ee qoray warka eedda ah ee Abiy Axmed loo jeediyay.

“Wararka sheegaya inuu kaalin weyn ka qaatay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed siyaasadaha Soomaaliya iyo Sudan waa been abuur,waxaan caalamka usheegayaa warkaas uu daabacay Wargayska Daily Nation in aan waxba ka jirin oo uu yahay mid la soo abaabulay oo la doonayo in lagu dhaawaco sumcada Dr Abiy Axmed,wax suurtagal ah ma,ahan in nin loo gartay in la siiyo biladda Nabadda ee Nobel Peace Prize uu ku lug yeesho rabshdo,tiirarka sharciga arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia uyaala waxaa ka mid ah inaan la fara-gelin karin arrimaha dalal kale kaasina waa sharciga aan ku dhaqano”ayuu yiri Meles Alem Safiirka Ethoipia ee dalka Kenya ufadhiya.

Safiirka Ethoipia ee dalka Kenya ufadhiya Meles Alem ayaa ugu dambayn sheegay warbaahinta qortay warkaas inay ilaaliyaan sharciga Saxaafadda iyo sumcada madaxda wararka ay ka qoraan iskana ilaaliyaan in shacabka ubaahiyaan warar aan waxba ka jirin oo been ah.

Trending

Exit mobile version