Wararka Soomaalida

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay go,aanka ICJ

Published

on

Ka dib markii Maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ ku dhawaaqay in markale dib loo dhigay dacwadii Badda ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa war uu ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya kuna saabsan arimaha go,aanka maxkamada ICJ.

Maxkamadda caalamiga ah ee aduunka ICJ ayaa dib udhigtay dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya udhaxaysay muddo 9 bil ah iyadoo tixgelinayo codsiyada farahabadan ee Kenya muddooyinkaamba ka imaanayay.

Ku-Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Waa markii labaad ee Maxkamadu ay dib u dhigto dhegeysiga kiiskan iyadoo horay balanta u ahayd dhageysiga dacwadda 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Kenya ayaa mar kale cadaadis ku saartay Maxkamada in muddo sanad ah dib loogu dhigo dacwada taasoo ku soo beegmeysa xili doorashooyin laga qaban-qaabinayo Somalia, balse Maxkamada ayaa u muuqata iney qaadatay go’aan aaney ku farxin Soomaalida inteeda badan,iyadoo mar kale dib u dhigtay muddo todobo bilood kama badan.

Trending

Exit mobile version