Wararka Soomaalida
Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay Taageerada Soomaaliya
Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah wadamada dhanwalba ka caaeiya Soomaaliya ayaa ka hadashay sanadkan sii dhamaanaya 2019-ka garab istaagii iyo juhdigii ay ku bixiyeen Soomaaliya isla markaana dadaalkooda haldhinac oo kaliya uusan ku koobnayn oo dhinacyo badan uu lahaa.
Safiirka ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in sanadka 2019 Soomaaliya ay ka caawiyeen Tababarada Ciidamada,caawinta qoysaska dantayar iyo ka qeeb qaadashada musiibooyinka sida kii ugu dambeeyay ee fatahaada Wabiga Shabeele uu ka gaystay Gobolka Hiiraan.
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Britain Soomaaliya ka caawisay deyn Cafinta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa lacagta looga leeyahay aduunka iyagoo kaalin wanaagsan ka ciyaaray arimaha deyn cafinta Soomaaliya.
Sidoo kale Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in dadaal dheer ka gaysteen dhiiragelinta Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo qoysaska Soomaaliyeed markii kooxda Al shabaab laga qabsado deegaano cusub oo horay kooxda umaamulaysay.
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sheegay in $3 Milyan oo Dollar ay ku qarash gareeyeen caawinta dhinacyada Soomaaliya sanadkan 2019-ka iyagoo gudanaya howlaha dowladnimo ee arimaha Soomaaliya.
“Bal dib umilicsada sida dowladda Britain ucaawisay Soomaaliya sanadka 2019-ka sida deyn cafinta Tababarada Ciidamada noocyadooda kala duwan caawinta qoysaska dantayar ka qeeb qaadashada musiibooyinka sida fatahaadihii ugu dambeeyay ee Wabiga Shabeele uu ku sameeyay qoysaska ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne iyo dhiiragelinta Ciidamada markii kooxda Al shabaab ay kala wareegaan deegaano cusub iyo sidoo kale wax uqabashada qoysaska deegaanadaas kooxda Al shabaab laga saaray ku nool,meelaha aan ku tababarnay Ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Muqdisho iyo Baydhabo howlaha aan ka fulinay Soomaaliya waxaan ku qarash garaynay $3 Milyan oo Dollar,waxaa kaloo intaas dheer oo aan qabanay deeq waxbarasho oo aan siinay arday Soomaali ah iyo wax ka qabashada arimaha Caafimaadka,waxaa kaloo arimo waaweyn ka soo fulinay Soomaaliland,waxaan halkan ugu mahad celinayaa dhamaan cidii arimahaas wax nagala qabatay”ayuu yiri Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska deeq waxbarasho oo bilaash ah ufidisay ardayda Soomaaliyeed sidoo kale kaalin wanaagsan ay ka gaysteen wax ka qabashada arimaha Caafimaadka Soomaaliya.
Ben Fender ayaa mar uu ka hadlayay tababarada Ciidamada Soomaaliya ay siiyeen wuxuu sheegay meelaha ay ka bixiyeen inay ka mid tahay Muqdisho iyo Baydhabo sidoo kale maamulka Soomaaliland howlo waaweyn ay ka soo fuliyeen.
Iyadoo wadamada caalamka Safiiro farabadan Soomaaliya ay ka joogaan ayaa Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender wuxuu kow ka yahay Safiirada fara ku tiriska ah ee sida weyn ugu dhax muuqda arimaha Soomaaliya iyo gaalmada uu ka gaystay asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee dalkiisa Britain ee Soomaaliya ufadhiya.