Wararka Soomaalida
Dowladda Jabuuti oo dhaqaale gargaar ah ugu deeqday Fatahaadaha
Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa fatahaadaha ku dhuftay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ugu deeqday dhaqaale gaaraya 100 malyuun (Boqol malyuun) oo faranka Jabuuti ah una dhiganta 600’000$(Lix boqol oo kun oo doolar.
Jabuuti ayaa tabarucaada waxaa ay uga qeyb qaadanaysaa gurmad toos ah oo loo fidinayo dadka fatahaadaha saameeyeen sida u fidinta adeegyo caafimaad, samata bixinta dadka ku go’doonsan meelaha qaar iyo agab kale oo la siinayo dadka ka barakacay fatahaadda.
Weli waxaa socda gargaar ufidinta dadka fatahaada saameeyeen ee ka barakacay magaalooyinka Beledweyne iyo meelo kale oo ka mid ah gbolada Soomaaliya.