Wararka Soomaalida
Dowladda Jarmalka oo $73 Milayn ugu deeqaday Soomaaliya
Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ubalan qaaday aduun lacageed oo gaaraya $73 Milyan oo dollar ka dib kulan dheer oo Muqdisho ku dhaxmaray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Annett Gunther.
Amb Annett Gunther ayaa shaacisay in lacagtan Jarmalka ugu tala galeen in lagu taageero Soomaaliya ay bixinayaan labada sano ee soo socota waxayna sheegtay in la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya.
Amb Annett Gunther ayaa shalay balan qaaday lacagtan $73 Milyan ee dollar ee loogu deeqday Soomaaliya xili hadal ay ka jeedinaysay munaasabd lagu xusayay maalinta midnimada Jarmalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
“Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 Million labada sano ee soo socota”ayey tiri Gunther.
Lacagtan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in lagu kabayo miisaaniyada dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda federaalka Soomaaliya.