Wararka Soomaalida
Dowladda Kenya oo ka hadashay sababta rakaabka loogu baarayo Wajeer
Dhawaan war ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa looga hadlay inay joojiyeen duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ee Muqdisho iyo Nairobi labadii sano ee la soo dhaafay tooska ahaa. Hadaba dowladda Kenya ayaa maanta markii ugu horaysay sababaysay waxa keenay inay talaabadaas ay ku dhaqaaqaan kana baxaan heshiiskii mar hore […]
Dhawaan war ka soo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa looga hadlay inay joojiyeen duulimaadkii tooska ahaa ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta ee Muqdisho iyo Nairobi labadii sano ee la soo dhaafay tooska ahaa.
Hadaba dowladda Kenya ayaa maanta markii ugu horaysay sababaysay waxa keenay inay talaabadaas ay ku dhaqaaqaan kana baxaan heshiiskii mar hore Soomaaliya iyo Kenya ay wada gaareen.
Agaasimaha waaxda duulista hawada ee wasaaradda duulista hawada iyo Gaadiidka ee dowladda Kenya ninka lagu magacaabo Gilbert Kibe ayaa maanta markiinugu horaysay shaaciyey sababta Kenya ku xambaartay inay ka baxaan heshiiskii labada dowladood ay wada geereen labo sano ka hor ee ahaa in Rakaabka diyaaradaha Kenya ee Rakaabka ka qaadaya Muqdisho toos ugu degaan Magaalada Nairobi.
Agaasimaha waaxda duulista Hawada iyo Gaadiidka ee dowladda Kenya Gilbert Kibe ayaa go,aanka ay gaartay dowladdiisa ku macneeyey arimo la xiriira xagga amaanka iney keentay in sidaas ay yeelaan ka dib markii ay heleen warar sheegaya inay dhici karto in xaalad amaan daro ugu imaan karto dhanka Soomaaliya dowladda Kenya sida uu sheegay mas,uulkaas Kenya uhadlay.
Gilbert Kibe Agaasimaha waaxda duulista hawada ayaa sheegay in arintan ay soco nayso ilaa seddax bil markii bilahaas ay dhamaadaana go,aanka ndib u,eegis lagu samayn doon haddii la fasaxayo iyo haddii meeshiisa lagu haynayo intuba.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in arinta rakaabka diyaaradda Kenya Airway ee Aadan Cadde ee Muqdisho dadka ka soo qaada lagu baaro Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Wajeer uu sii soconayo ilaa 9 bisha August.
Tallaabadaas Kenya ku dhaqaaqaday ayaa waxaa ka hadlay wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad oomaar wuxuuna sheegay in dowladda Kenya ay ku dhaqaaqaday tallaabo aan uwanaagsanayn labada shacab ee Kenya iyo Soomaaliya.