Wararka Soomaalida
Dowladda Maraykanka oo in kabadan 50 Al shabaab ah Duqeyn ku dishay
War caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa ee Africom ayaa waxaa lagu sheegay in Al shabaabkii Saaka weeraray Baar-Sanguuni ay dhexda ugaleen Diyaarada hooda xili ay fooda ku soo hayeen kooxdaas Degmada Jilib ee Jubbada dhexe ka dib markii ay ka soo laabteen weerarkii ay ka fuliyeen Baar-Sanguuni. Weerar xagga cirka ah […]
War caawa ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa ee Africom ayaa waxaa lagu sheegay in Al shabaabkii Saaka weeraray Baar-Sanguuni ay dhexda ugaleen Diyaarada hooda xili ay fooda ku soo hayeen kooxdaas Degmada Jilib ee Jubbada dhexe ka dib markii ay ka soo laabteen weerarkii ay ka fuliyeen Baar-Sanguuni.
Weerar xagga cirka ah oo ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa waxaa Warbixinta lagu xusay in Al shabaab looga dilay 52 xubno sare Al shabaab ah kuwo kalana looga dhaawacay.
Maraykanka ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerarkii saaka Al shabaabka,ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee saaka waaberigii ka dhacay Baar-Sanguuni.
Sawiro lagu faafiyey baraha bulshada oo laga soo qaaday duqeyntan ayaa muujinaya gaari xamuul ah oo ku gubtay gantaal lala helay iyo meydad dul saaran Gaari dushiisa iyo hareeraha gaariga ku waa soo qaarkood gubtay lana aqoonsan waayey halka qaar kale jirkoodu uu googoo’ay.
Qoraalka ka soo baxayTaliska Ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin khasaare dadka rayid ah ka soo gaaray duqayntaas.