Wararka Soomaalida

Dowladda oo fasaxday duulimaadkii Kismaayo

Published

on

duulimaadkii hawada ee magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ayaa ku jiray muddo shan cisho ah xayiraad ka dib markii dowladda Soomalaiya xanibtay duulimaadka Kismaayo.

haddaba waxaa arinkaas fasaxa duulimaadka ah ayaa waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali wuxuu sheegay in dowladu go’aansatay iney fasaxdo duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo ka dib codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed.

Xayiraadan ayaa sababtay in dib loo dhigo caleemo saarkii Axmed Madoobe oo 26kii bishan lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale uu saameyn adag ku yeeshay shacabka u kala goosha magaalada Kismaayo, qeybaha kale ee dalka iyo dalalka.

xayiraada saarnayd duulimaadka Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay buuq farabadan iyadoo xataa siyaasiyiin caan ah ka mid ahaayeen dadka saamaynta ku yeeshay xayiraadaas.

Trending

Exit mobile version