Wararka Soomaalida

Dowladda oo ka hadashay Odayaashii Al shabaab soo bandhigeen

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay war ka soo saartay Odayaashii dhowaan ay soo bandhigeen Kooxda Al shabaab islamarkaana ay ku sheegeen inay yihiin Odyaashii soo xulay ergadii soo dooratay Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Al shabaab ayaa uyeeray Odayaashii soo xulay ergadii soo dooratay Golaha Baarlamanka islamarkaana usheegay inay si deg deg ah utagaan deegaanada Kooxdaas ay maamusho si loo cafiyo ka dibna waxay soo bandhigeen Al shabaab Sawiro Odyaal tiro ahaan ka yareen 200 iyagoo ku sheegay inay ajiibeen amarkoodii ahaa inay uyimaadaan si looga cafiyo waxay ku tilmaameen dambi ay galeen.

War saxaafadeed caawa ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al shabaab bahdil iyo juujuub joogto ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana Sawirada ay baahiyeen ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Odayaasha la soo bandhigay ee Al Shabaab utagay ayaa wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya waxay ku tilmaamtay in badankood aysan ahayn Odayaasha saxda ah ee udiiwaangashan dowladda federaalka Soomaaliya beena ka sheegay Al shabaab una gefay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

War saxaafadeedkaas caawa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in kooxda Al shabaab had iyo jeer juujuub iyo handadaad joogto ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed mardhowna laga dul qaadi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version