Wararka Soomaalida
Dowladda oo ku howlan sidii ay u soo saari lahayd sharci xakameeya Madaxda maamulada Soomaaliya
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku mashquulsan sidii ay u soo saari lahaayeen sharci xakamaynaya Madaxweyniyaasha Maamul Goboleedyada ee dowladda dhexe hoos yimaada kuna saabsan safarada dibadda ay ku aadaan iyo kulamada ay la yeeshaan Madaxweyniyaasha wadamada caalamka iyadoo dowladda dhexe fasaxa ka haysan.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad sharci ah caalamkana aqoonsan yahay sidaas awgeed wuxuu tilmaamay in Madaxweyniyaasha maamulada Soomaaliya si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka ah ee hadda Soomaaliya ay ku dhaqanto sida ay u fahmeena tahay mid qaldan oo laga yeeli doonin.
Wasiir Maareeye ayaa wuxuu sheegay in hadda wixii ka dambeeya mamnuuc ka tahay Madaxweyniyaasha Maamul goboleedyda inay la kulmaan Madaxweyniyaasha wadamada caalamka iyadoo fasax ka haysan dowladda dhexe haddana lagu howlan yahay sidii loo soo saari lahaa sharci xakamaynaya Madaxweyniyaasha Maamul goboleedyada ee Soomaaliya kaasoo hagi doona kuna dhaqmi doonaan laguna dhaqayo Madaxweyniyaasha Maamul goboleedyada Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in sharci darada ay ku dhaqmaan Madaxda maamul goboleedyada ay gaarsiisay heer inay isku arkaan inay yihiin dalal Madax bannaan oo wixii ay doonaana ay sameeya islamarkaana fuliya go’aamo aan lagala tashan dowladda dhexe sidoo kale wadankii ay doonaana ay u safraan lana kulmaan madaxdii ay doonaan taasina hadda sharci adag oo haga maamulada mardhaw laga soo saarayo.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wuxuu sheegay in nidaamkan federaalka ah uu ka jiro wadamo badan ayna ugu dhaqmaan sida saxda ah balse uusan ka jirin hab dhaqan lamid ah kan ay ku dhaqmaan Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada wuxuuna faray inay dhowraan nidaamka iyo sharciga dowladnimada ee Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa ugu digay Madaxda maamul goboleedyada in iyadoo fasax ka haysan ama ku soo war galin dowlada dhaxe ay u dhoofaan dalal kale oo wadamada qaar cadaw ay ku yihiin Soomaaliya wuxuuna intaas hadalkiisa sii raaciyay in arimahaan oo kale wadamada caalamka qaarkood la isku maxkamadeeyo haddii qalad noocaan ah uu ka dhaco Madaxda maamuladooda.
Amarkan ka soo baxaya dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa wuxuu si toos ah ugu wajahan yahay maamulka Puntland iyadoo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya wax wada shaqayn ah ka dhax jirin.