Wararka Soomaalida
Dowladda oo si adag uga hadashay dilkii wadajirka ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag ucabaaraysay dilkii wadajirka ahaa ee xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dad shacab ah oo gaaraya 9 qof oo xaafadaha koonfurta Gaalkacyo loogu laayay. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha iyo magaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wixii ka dhacay Gaalkacyo aan […]
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag ucabaaraysay dilkii wadajirka ahaa ee xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dad shacab ah oo gaaraya 9 qof oo xaafadaha koonfurta Gaalkacyo loogu laayay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha iyo magaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wixii ka dhacay Gaalkacyo aan loo dulqaadan doonin islamarkaana talaabo sharciga waafaqsan dowladda ka qaadi doonto.
Wasiir maareeye ayaa ugu baaqay Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo inay u,istaagaan wax ka qabashada ficilada fooshanxun ee ka taagan Maamulka Galmudug.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu dambayn ehelada iyo shacsbka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii horay loogu laayay duleedka dhuusamareeb iyo kuwii xalay lagu dulay koonfutra Gaalkacyo in ilaahay ka samarsiiyo.