Wararka Soomaalida
Dowladda oo war ka soo saartay doorashada Jubbaland(Akhriso)
Wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ku faafaahsan habka doorasho ee Maamulka Jubbaland iyo qaabka loo soo xulayo Golaha Baarlamanka Maamulkaas. Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe in doorashada uu ku saleeyo habraaca sharciga doorashada ee soo baxay […]
Wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ku faafaahsan habka doorasho ee Maamulka Jubbaland iyo qaabka loo soo xulayo Golaha Baarlamanka Maamulkaas.
Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe in doorashada uu ku saleeyo habraaca sharciga doorashada ee soo baxay 25 May ee 2019.
Wasiirka ayaa soo saaray 5 qodob oo Maamulka Jubbaland laga doonayo iney fuliyaan kuwaasoo ay ka mid yihiin soo xulista xildhibanada iney isla ansixiyaan Odayaasha dhaqanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in laga rabo beel kasta oo hesha 3 xildhibaan inay midkood ka dhigaan Haween si loo tixgelinayo qoondada Haweenka.
Wasaaradda ayaa amartay si loo fududeeyo geedi socodka Doorashada in goobta doorashada Madaxweynaha Jubbaland lagu qabanayo ay noqoto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Q/Midoobay ee Kismaayo ee UN Compound si kor joogtada beesha caalamka bilow ilaa dhamaad ula socdaa doorashada Jubbaland.
Arintan ayaa waxay caqabad ku tahay Axmed Madoobe.