Wararka Soomaalida

Dowladda oo war ka soo saartay Galmudug

Published

on

Wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ku saabsan shirkii beelaha Galmudug ee dhowaanahaamba ka socday Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud qodobadii lagu heshiiyay.

Shirkaas ayaa waxaa xalay soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo shirkaas wax yaabaha diirada lagu saarayay kow ka ahaayeen wada noolaashaha beelaha dhaxdooda iyo sidii loo soo dhisilahaa maamulka Galmudug oo loo dhan yahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeedkan ay soo saartay ku sheegtay in ay soo saareyso habraac iyo shuruudo adag oo ku aadan xulista Xildhibaanada Galmudug iyo Doorashooyinka Gudoonka iyo Madaxweynaha.

Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dib u eegis lagu sameenayo hanaankii lagu dhisay maamulka Galmudug sanadkii 2015-kii si loo saxo waxyaabihii la sheegay in ay qaldameen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version