Wararka Soomaalida

Dowladda Qadar oo markii labaad gargaar keentay Muqdisho

Published

on

Sanduuqa horumarinta dowladda Qadar ayaa maanta Gudiga gargaarka Fatahaadaha Soomaaliya soo gaarsiiyay deeq gargaar ah oo ay ugu tala galeen Fatahaadaha Soomaaliya,iaydoo deeqdan gaaraysa 44 MT una badan agab gargaar oo loogu tala galay dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo shabeele ee ku fatahay Gobolada Hiiraan,Gedo iyo Jubbooyinka.

Deeqdan ayaa waxaa sanduuqa horumarinta Dowladda Qadar ka guddoomay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha gudiga gargaarka Fatahaadaha Soomaaliya Dr.Xamsa Saciid Xamsa iyo saraakiil ka socotay hey’adaha UN-ka.

Dowladda Qadar ayaa markii labaad waxay isbuuc gudahiisa gudigan ku wareejisay dhowr tan oo gargaar noocyo kala duwan ah waxaana looga goleeyahay sidii wax looga qabanlahaa qoysaska tabaalaysan ee ka barakacay Fataahadaha wabiyada Shabeele iyo Jubba.

Dhinaca kale dowladda Jabuuti ayaa iyana sidaan oo kale laba jeer gargaar noocyo kala duwan ah ku wareejisay gudiga fatahaadaha Soomaaliya iyadoo labadan dowladood Jabuuti iyo Qadar ay noqonayaan dowladaha sida dhabta ah ugu soo jawaabay baaqii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan caawinta Shacabka tabaalaysan ee Soomaaliyeed.

Magaalooyinka fatahaadaha ay ku dhufteen ayaa waxaa ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo deegaanka Goobweyne ee gobolka Jubbada hoose.

Trending

Exit mobile version