Wararka Soomaalida

Dowladda Qadar oo Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid Dagaal Daawo Sawirada

Dekada weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan waxaa ku soo xirtay Markab siday Gaadiidka nooca dagaalka ah ee Gaashaaman iyo Agab Ciidan. Munaasabad ay ka qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Saraakiil iyo Mas,uuliyiin ka tirsan Dowladda Qadar ayaa saaka ka dhacday Dekada Magaalada Muqdisho. Munaasabadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigayey 68 […]

Published

on

Dekada weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan waxaa ku soo xirtay Markab siday Gaadiidka nooca dagaalka ah ee Gaashaaman iyo Agab Ciidan.

Munaasabad ay ka qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo Saraakiil iyo Mas,uuliyiin ka tirsan Dowladda Qadar ayaa saaka ka dhacday Dekada Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigayey 68 Gaadiidka nooca Gaasgaaman ah oo Dowladda Qadar ay uga deeqday Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka milatariga ayaa kala wareegay mas,uuliyiinta iyo saraakiisha ka socotay dowladda Qadar Gaadiidka Gaashaaman iyo agab kale  militariga.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay Agabkan milatari ee maanta dowladda Qadar ay ugu deeqday ciidanka milatariga Soomaaliya waxayna sheegeen mas,uuliyiinta dowladda Soomaaliya Gaadiidkan iyo Agabka kale lagu xoojinayo ciidanka milatariga.

Dowlada Qadar ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya waxayna Qadar horey u balan qaaday in ay fulineyso mashaariicyo kala duwan waxay sidoo kale dowladda ugu deeqday gaadiid iyo waxyaabo kale oo wax tar uleh Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version