Wararka Soomaalida

Dowladda QATAR oo jawaab adag ka bixisay warbixintii New York Times

Ka dib markii maanta Wargayska New Yorka Times uu daabacay maqaal dheer oo looga hadlayo in ay heleen Cod sir ah kaasoo sheegaya in dowladda Qatar ku lug lahayd weerarkii ka dhacay Boosaaso ee lagu qaaday Shirkadda DP-WORLD ee imaaraadka carabta ayaa waxaa si kulul ugu jawaabtay dowladda Qatar. War goor dambe ka soo baxay […]

Published

on

Ka dib markii maanta Wargayska New Yorka Times uu daabacay maqaal dheer oo looga hadlayo in ay heleen Cod sir ah kaasoo sheegaya in dowladda Qatar ku lug lahayd weerarkii ka dhacay Boosaaso ee lagu qaaday Shirkadda DP-WORLD ee imaaraadka carabta ayaa waxaa si kulul ugu jawaabtay dowladda Qatar.

War goor dambe ka soo baxay Madaxtooyada Qatar ayaa waxaa lagu beeniyay Warka uu daabay Wargayska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Warkan beeninta ah ee ka soo baxay Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay tahay mid utaagan horumarinta islamarkaana ku mashquulin arimaha wadamo kale New York Times-na uu been ka sheegay dalka Qatar.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in aysan marnaba faragalin siyaasada iyo arimaha gudaha wadamada kale waxayna dowlada Imaaraadka ku eedeesay in faragalin ku heyso Soomaaliya iyada oo dhaqaalo ku bixineysa sidii Soomaaliya u qabsan laheyd.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Qadar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ganacsadaha Khalifa Al muhannadi uusan ahayn lataliye dowlada Qadar islamarkaana uusan wakiil u ahayn dalka Qadar waxayna dowladu sheegtay in ninkaasi baaritaano ku hayaan.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan ayna ka taageerto dhinacyo kala duwan waxayna balan qaaday dowlada Qadar in ay sii wadayso taageerada ay siiso Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version