Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo ka wada Tacsiyadeeyey Geerida Xaaji waraabe

Allaha unaxariistee maanta Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ku geeriyooday Oday dhaqameed caan kahaa dhulka Soomaalida sidoo kale ahaa ninka ugu da,da weynaa golaha guuritaga Maamulka Soomaaliland. Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi(Waraabe) loo yaqaanay ayaa xanuun maalmahan kunsoo booday ugu geeriyooday Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyiye ee Soomaaliya iyadoo xaajigu uu ahaa shaqsi […]

Published

on

Allaha unaxariistee maanta Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ku geeriyooday Oday dhaqameed caan kahaa dhulka Soomaalida sidoo kale ahaa ninka ugu da,da weynaa golaha guuritaga Maamulka Soomaaliland.

Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi(Waraabe) loo yaqaanay ayaa xanuun maalmahan kunsoo booday ugu geeriyooday Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyiye ee Soomaaliya iyadoo xaajigu uu ahaa shaqsi caan ah oo aad loogu tixgeliyo dhulka Soomaalida.

Xaaji Cabdkariim Xiseen Cabdi Waraabe ayaa wuxuu ahaa shaqsi samajecel ah oo wax badan ka soo shaqeeyey arimaha nabada iyo doorka oday dhaqameed iyadoo Caaqil loo doortay sanadka markuu ahaa 1940 iyadoo xiligaas qofka loo dooranayo caaqil laga eegijiray dhinacyo badan sida saguba sheegay intuu noolaa.

Haddabada geerida ku timid Xaaji Cabdkariim Xuseen Cabdi Waraabe ayaa waxaa ka Tacsiyadeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Innaa lilaah wa inaa ileehi raajicuun waxaan halkan Tacsi ugu dirayaa anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Qarankuba sidoo kale magaca umadda Soomaaliyeed ehelada iyo asxaabta uu ka geeriyooday halgamaagii Soomaaliyeed Xaaji Cavdikariim Xuseen Cabdi (Waraabe) ee maanta oo jimco ah ku geeriyooday Magaalada Hargaysa waxaan leeyahay samir iyo iimaan dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan reer Xaaji Cabdi Wareebi

Runtii Xaaji Cabdkariim Xuseen Cabdi Waraabe wuxuu ahaa halgamaa samajecel ah nabadda iyo wanaaga ka soo qeeb qaatay waxaan leeyahay oo alle ugu baryayaa in Jannatul fardowso ugu bishaareeyo Innaa lilaah wa innaa ileehi raajicuun”

Silamid ah Madaxweynaha waxaa ka Tacsiyadeeyey Ra,iisul wasaaraha Xukuimadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuuna sheegay in Xaaji Cabdkariim Xuseen Cabdi Waraabe lagu xasuusan doono doorkii nabada ee uu caanka ku ahaa.

“إنا لله وإنا إليه راجعون Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa ka Tacsiyadeeyey geerida ku timid Xaaji Cabdkariim Xuseen Cabdi Waraabe oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee caanka ah.

Muuse Biixi waxaa uu sheegay in Xaajigu uu ahaa halyey soo halgamay taariikh dheerna uu leeyahay ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iomaan ilaahay uu ka siiyo.

“Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday mudakar ah, khayrka jecel, waxa uu noloshiisa oo dhan u hibeeyay qaranka iyo mustaqbalkeena. Waxa aan tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, golayaasha qaranka, asxaabtiisii iyo qoyska reer Cabdikariin. Rabbi naxariisto”

Allahe unaxariistee Xaaji Cabdkariim Xuseen Cabdi Waraabe waxaa uu jiray hadda da,da 121 sano sida uu sheegay walaalkiis da,ahaan isku xigaan oo ku nool Hargaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version