Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo 4 Mallyan faraha ka saartay Macalin maxamuud
Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah shaqsiga talada Ahlusuna ka go,da dowladda Soomaaliya lagashay heshiis dhowr qodob ah. 1-Macalin Maxamuud Sheekh Saxsan ayaa dowladda Soomaaliya la heshiinteeda ku xiray shuruud ah in mid ka mid ah wiilashiisa laga dhigo wasiirka arimaha gudaha. 2-insafiir loo […]
Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah shaqsiga talada Ahlusuna ka go,da dowladda Soomaaliya lagashay heshiis dhowr qodob ah.
1-Macalin Maxamuud Sheekh Saxsan ayaa dowladda Soomaaliya la heshiinteeda ku xiray shuruud ah in mid ka mid ah wiilashiisa laga dhigo wasiirka arimaha gudaha.
2-insafiir loo magacaabo mid ka mid ah wiilashiisa.
3-in isagana dowladda Soomaaliya u aqoonsato Muftiga guud ee Soomaaliya.
Qodobadaas uu soo jeediyay Macalin Maxamuud ayaa waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya labo ka mid ah u ogolaatay sida in wasiirka arimaha gudaha loo ogolaaday in waiilashiisa mid ka mid ah laga dhigo iyo in mid kale oo asaga dhalayna Safiir laga dhigo tan Muftidana dowladda ka soo fikarayso.
Sidoo kale waxaa loo ogolaaday wadaadkaas in Ciidamada Ahlusuna loo Qarameeyo oo lagu biiriyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya asgana uu ogolaaday arintaas.
Waxaa intaas dheer oo aan maqalan markii qodobadaas la wada saxiixay ka dib dowladda Soomaaliya fulinta howlahaas awgood Macalin Maxamuud Sheekh Xasan faraqa ugu shubtay 4 Mallyan oo Dollar.
Dhinaca kale arintan heshiiska ah ee dhaxmartay dowladda iyo wadaadka xukuma Ahlusunna ayaa waxay ka dhigan tahay in Xaaf talo farahiisa ka baxday oo meel cidlo ah ku soo dhacay.