Wararka Soomaalida

Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifka doorasho ee Galmudug

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta cadeysay mowqifka doorasho ee Maamulka Galmudug ka dib markii waxbadan ay ka aamusneed arrimaha Galmudug. Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta shirjaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Maamulka Galmudug ay dhageyso bisha July ee sanadkan 2019ka. Wasiir Sabriye ayaa intaas ku daray hadalkiisa […]

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta cadeysay mowqifka doorasho ee Maamulka Galmudug ka dib markii waxbadan ay ka aamusneed arrimaha Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta shirjaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Maamulka Galmudug ay dhageyso bisha July ee sanadkan 2019ka.

Wasiir Sabriye ayaa intaas ku daray hadalkiisa in Galmudug uu dib udhigay arrimaha Khilaafka dhaxdooda ah dowladda Soomaaliya ay ku rajo weynta ah qabsoomida xiliga rasmiga ah ee loo asteeyey in la qabto doorashada Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray islamarkaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb hayeeshee xal laga gaaray.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Khilaafka Galmudug xalinteeda ay tahay mid u wada taala madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug waxaa kaloo uu sheegay in ay dadaal badan sameyn doonaan ka hor doorashada Galmudug.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug islamarkaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu Hadda cadeeyey mowqifka dowladda iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version